TOP NEWS:- Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo qarka u saaran inuu la wareego kursigii ay beel kale leedahay iyo lacagtii ugu badneyd..

0

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qorshe ay Damjadiid ku dooneyso in kursi ka mida kuraasta Aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle uga fara maroojiso beesha Ujeejeen ee loo qoondeeyay.

Beesha Ujeejeen (Ciise Mudulood) ayaa loo qoondeeyay inay kursi ku yeelato xildhibaanada Aqalka Sare ee ka soo gelaya maamulka Hirshabeelle, waxaana kursigan lagu qoray Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mida aqoonyahanada siyaasiyiinta ee caanka ah.

Xildhibaan Faarax C/qaadir iyo kooxda Damjadiid oo gacan ka helaya Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay ku riixayaan Prof. Dufle inuu xilkaasi isaga haro kadib markii ay tartanka kursigii Beeshaasi ay kusoo qoreen musharax ka soo jeeda Beesha Sheekhaal/Reer Aw-xasan oo lagu magacaabo Jen. Dhega-caleen.

Qorshahan ayay Damjadiid la timid kadib markii looga guuleystay kursigii guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo ay si lama filaan ay doorashado ku qaadatay haweeney kasoo jeeda Beesha Ujeejeen, iyadoo ka guuleysatay musharax ay wateen wasaaradda arrimaha gudaha iyo Faarax Sheekh C/qaadir oo Beesha reer Aw-xasan kasoo jeeday.

Shaacinta liiska musharixiinta Aqalka sare ee Hirshabeelle ayaa weli la shaacin, iyadoo dood ka jirto xubnaha musharixiinta noqonaya iyo qaabka loo soo qoray.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir iyo kooxda Damjadiid oo ayaa hore ugu fashilmay inay xubin Aqal sare Beesha Sheekhaal uga helaan maamulada Galmudug iyo Jubbaland, laakiin waxay hadda dadaal iyo kharash dheeraad ah ku bixinayaan inay ka helaan maamulka haray ee Hirshabeelle oo beeshan aanay wax degaan ah ku lahayn.