Arrin laga Argagaxay oo Maanta lagu arkay Gudaha Degmada Tiyeeglow

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa ku warramaya in Degmada Tiyeeglow ee dhawaan ay ka baxeen Ciidanka Ethiopia iyo kuwa Dowladda Soomaaliya lagu arkay Meydka Nin la Gowracay.

Ma cadda cidda ka dambeysa Gowraca Ninkaas Meydkiisa Saaka laga helay degmada Tiyeeglow ee Gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in falkaas ay si aad ah uga Argagaxeen maadaama ay is weydiinayaan Gowraca ninkaas iyo in ay dhici karaan falal la mid ah.

Sidoo kale waxaa Wararka Gobolka Bakool laga helayo ay sheegayaan in Madaafiic lagu garaacay degmada Xudur ee Gobolkaasi.

Madaafiicdaasi ayaa la sheegay in dad iyo duunyaba ay wax ku noqdeen waxaana dadka deegaanku sheegeen in ay ku jahwareersan yihiin halka Madaafiicdaasi uga yimaadeen.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Ciidamada Ethiopia ay isaga baxeen qeybo ka mid ah Gobolka Bakool ayaa waxaa xaalado kacsanaan ah laga soo sheegayay inta badan degmooyinka iyo deegaanada Gobolkaasi.