Isbaheysiga Sacuudiga oo duqeeyay Xabsi ku yaal dalka Yemen iyo Khasaaro ka dhashay

0

Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa duqeyn dhanka cirka ah waxa ay la dhaceen, xabsi ku yaalo Magaalada Xudayda ee ku taalo Galbeedka dalka Yemen.

Wararka ayaa sheegaya in goobta la duqeeyay oo aheyd goob ay xabsi ka dhigteen Xoogaga Xuutiyiinta, halkaasi inay ku nafwaayeen tiro dad ah oo goobta ku sugnaa.

Waxaa la sheegayaa duqeyntaasi inay ku dhinteen dad gaaraya 10 ruux, kuwaasi oo ku jiray dhismaha Duqeynta ay ku garaaceen Xulufada Sacuudiga uu hogaamiyo.

Magaalada waxaa gacanta ku haya falaagada Xuutiyiinta oo dagaal kula jiray dowladda ilaa sannadkii 2014-kii.

Saraakiishu waxay sheegeen in sodon qof oo iskugu jiray askarta fallaagada iyo maxaabiis ay ku dhinteen, haseyeeshee warbaahinta Xuutiyiintu waxay tirada dhimashada gaadhsiisay 43.

Xulafadan Sucuudigu hor kacayo ee taageeraysa madaxweynaha Yemen ee dalka dibadda kaga maqan Cabdrabbuh Mansuur Haadi ayaa hore loogu dhaleeceeyey tirada dadka rayidka ah ee ku dhinta weeraradooda cirka.