Erdogan oo Baarlamaanka dalkiisa ka codsaday in dib loo soo celiyo xukunadii dilka ahaa

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa weydiistay Baarlamaanka dalkiisa in dib loo soo celinayo xukunadii dilka ahaa, si loogu ciqaabo dadkii ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee dhacay bishii July.

Erdogan ayaa sheegay in loo baahan yahay in Baarlamaanka uu tixgeliyo soo jeedinta dowladiisa ee ku aadan in dib loo soo celiyo xukunadii dilka ahaa.

Turkiga ayaa joojiyay xukunadii dilka ahaa sanadkii 2004, hase ahaatee tallaabada Madaxweyne Erdogan ku doonayo in lagu soo celiyo xukunada dilka ayaa ah mid ay diidan yihiin Ururka Midowga Yurub.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa ka digay in dib loo soo celiyo xukunada dilka, taasoo saameyn ku yeelan doonta ka mid noqoshada Turkiga ee Ururka Midowga Yurub.

In ka badan 35 kun oo ruux ayaa loo xir xiray afgambigii fashilmay ee dhacay bishii July, iyadoo dowladda Turkiga ku eedeeysay inuu mas’uul ka ahaa afgambigaas wadaadka dibad jooga ah Fethullah Gullen.