Turkiga oo wax lala yaabo Sameeyey & Mas’uuliyiin u Cabsaday Xilalkooda

0

Dowladda Turkiga ayaa Maanta sameysay arrin ay la yaabeen dad badan oo dunida qeybaheeda kale ku nool.

Xukuumadda dalka Turkiga ayaa shaqadii ka cayrisay in ka badan 10,000 oo shaqaale rayid ah iyada oo xukuumadda Turkigu waddo tallaabooyin ay wax kaga qabanayso isku-daygii inqilaab ee dalkaasi ka dhacay bishii July.

Shaqaalahan la eryey ayaa isugu jira aqoonyahan, macalimiin jaamacadeed iyo shaqaale Caafimaad, waxaana la baahiyey warka erigooda xilli dambe oo shalay ahayd.

Turkigu wuxuu hore shaqada uga caydhiyey in ka badan 80,000 oo shaqaale rayid ah, isaga oo xabsiyadana u taxaabay in ka badan 30,000 oo kale kuwaas oo lagu eedeeyey inay xidhiidh la lahaayeen inqilaabka.