Dowladda Imaaraadka Carabta oo qorshe halis ah ka damacsan Gudaha Soomaaliya

0

Dowladda Isku Tagga Imaaraadka Carabta oo mar walbo sheegto iney diyaar u t ahay wax u qabashada dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayaa hadda waxay leedahay qorshe halis ah oo ay la dooneyso Soomaaliya.

Waxay isugu yeertay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida, waxaana ay dooneysaa iney ka dhaadiciso qorshe hadda u muuqda mid sahlan balse dalka iyo dadka halis ku ah.

Waxay rabtaa in madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Xasan Sheekh ka reebato saxiixa heshiis aan horay u dhicin, kaasi oo ku saabsan in lagu wareejiyo dhammaan ilaha dhaqaalaha dalka, sida Dekadaha iy garoomada, meeshana laga saaro dowladda Turkiga.

Waxyaabaha ay dowladaan dooneyso ayaa ah in Soomaaliya lagu hayo meesha ay hadda joogto, laga hor istaago dhammaan horumarada la doonayo in xilligaan la hiigsado.

Hadaba Hoggaamiyeyaashan ayaa lasoo siin doonaa qarashadaan ay ku fushadaan danahooda, sidoo kale waxaa laga soo dhaadhicin doonaa iney ka shaqeeyaan in dib loo soo doorto Xasan Sheekh.