Dhulgariir kale oo ku dhuftay dalka Talyaaniga

0

Dhulgariir awoodiisu tahay 6.6M ayaa mar kale ka dhacay subaxnimadii Axadda bartamaha dalka Talyaaniga, kaas oo laga dareemay magaalada Rome.

Dhulgariirka xoogiisa ayaa ka dhacay meel aad ugu dhaw magaalada Perugia, balse saameyntiisa ayaa laga dareemay goobo ka fog Magaaladan

Dhulgariir kan oo kale ah ayaa xagaagii sanadkan 2016 ka dhacay isla bartamaha Talyaaniga kaas oo ay ku geeriyoodeen 250 qof.

Sida laga soo xiganayo Reuters guryo badan ayaa ku soo dumey, waxaana goobahaas gaarey shaqaalaha hay’adda badbaadada rayidka.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay hay’adda badbaada rayidka ee Talyaaniga ee la xiriirta khasaaraha ilaa hadda ay ogyihiin.

Maalintii Arbacada ee la soo dhaafey ayey ahayd markii dhulgariirkii u danbeeyey uu ka dhacay isla bartamaha dalkaas, waxaana kani noqonayaa kii afaraad tan iyo bishii Agoosto 2016.