DHAGEYSO WAREYSI XIISO BADAN:- Dowladda Soomaaliya oo go’aan adag qaadatay iyo Safaarad Caan ah oo la Xeray

0

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa amar ku bixisay in la xiro Safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen kadib markii ay sheegtay in ay gacanta ku hayaan goobta ay ku taala Safaaradda  kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalkaas.

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen ahna sii haya xilka Safiirka Soomaliya ee dalkaas Mudane Cusmaan Axmed Maxamed  ayaa sheegay in amar kasoo baxay Wasaaraadda Arrimaha Dibada ee Xukuumadda Soomaliya in lagu xirey Safaaradii Soomaliya ee dalkaas.

“Runtii Safaaradda Sanca ee dalka Yemen mudooyinkii dambe waxa ay haysay shaqooyin badan oo shacabka ay u haysay, waxaana u badnaa shaqooyinka Taakuleynta dad dhibaataysan ee dalkaan ku nool, waxaase haatan soo baxay go’aan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya oo ku aadan in la xiro Safaaradii Soomaliya ee dalkaan”, ayuu yiri Qusulka Safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen.

“Markii aan la xiriirnay Mas’uuliyiinta Wasaaraadda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya waxa ay inoo sheegeen in ay la safan yihiin dowladda Sacuudiga islamarkaana ay cambaareynayaan gantaalkii  kooxaha xuutiyiinta ay ku tureen Magaalada Barekeysan ee Maka Al-mukarama, waxay sidoo kale inoo sheegeen in kooxaha Xuutiiyiinta ay maamulaan halka ay ku taalo Safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen”, ayuu  mar kale yiri Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen.

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa si kulul u cambaareysay shalay Gantaalkii  Kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yemen ay ku tuureen Magaalada Barakeysan ee Maka Al-Mukarama ee dalka Sacuudiga Carabi.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Qunsulka:-