DHAGEYSO:- Madaxweyne Ku Xigeenka HirShabeelle iyo Siyaasiyiin Xildoon ah oo Jowhar gaaray

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka HirShabeelle Cali C/llaahi Xuseen “Cali Guud laawe” iyo Wafdi uu hogaaminayo yaa dib ugu laabtay Magaalada Jowhar.

Wafdiga Madaxweyne Ku Xigeenka waxa ka mid ah Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood ah Xildoon Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Dowladda Soo socota.

Guddooomiyaha Baarlamaanka Maamulka HirShabeelle Sheekh Cusmaan barre Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay Safarkii uu Muqdisho ku tagay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka HirShabeelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu safarka uu ku soo dhamaday isla markaaana waxyaabihii uu Xamar u tagay Madaxweyne Ku Xigeenka ay usoo qabsoomeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-