DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Madaafiic lagu garaacay Degmada Xudur

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan Dagaalyahano ka tirsan Shabaab saqdii dhexe ee xalay in halkaasi ay ku garaaceen Madaaafiic.

Madaaafiicdan ayaa la sheegay in ay ahaayeen ilaa iyo 4 xabo kuwaas oo ku kala dhacay goobo kala duwan, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.

Madaafiicdan Shabaabka ay ku garaaceen Degmada xudur ee Gobolka Bakool ayaa la sheegay in ay ka dhasheen khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Maamulka Koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino dhacdadan ayaa sheegay in ay dib ka bixin doonaan faah faahin dhameystiran.

Hoos ka Dhageyso Codka:-