DHAGEYSO:- Amaanka Guud ee Degmada Luuq oo laga Shiray iyo Saraakiil Muhiim ah oo ka qeyb galay

0

Kulan loogu hadlaayay amniga degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa Maanta lagu qabtay degmadaasi.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan Hay’adda amaanka Gobolka Gedo iyo Kan degmada Luuq.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale loogu hadlaay xaqiijinta amaanka degmada Luuq iyo sidii loogu hortagi lahaa Weerarada Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Dihaad C/kaliil ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu balamay in meel loogu soo wada jeesto xaqiijinta amaanka guud ee degmada Luuq.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan in ay joogteeyaan Kulamada noocaan oo kale ah oo loogu hadlay amniga.

Hoos ka Dhageyso Codka:-