DHAGEYSO:- 25 Sano Xarun Burbursaneyd oo Maanta dib loo howlgeliyay iyo Wasiirka Warfaafinta oo..

0

Wasiiro, Xildhibaano iyo Marwada Madaxweynaha Dalka ayaa maanta ka qeyb galay Munaasabad lagu furaayay Xarunta Wacyi gelinta iyo hanuuninta dadweynaha oo 25 sano burbursaneyd.

Xaruntaan ayaa waxaa ku shaqeyn jiray oo lahaa Kooxda Hobolada Qaranka ee Waaberi, waxaana dib u furidee iyo dib u dhiskeeda gacan ka geystay Marwada Madaxweynaha Dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Munaasabada ka sheegay in Xaruntaan ay muhiim tahay.

Waxa uu sidoo kale ka sheekeeyay ahmiyada ay Dowladda u leedahay dib u howgelinta Xaruntaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-