DAAWO SAWIRRADA:- Ururka Haweenka Soomaaliyeed Ee SAHAN Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Tina Bryld Iyo Dhaqaale Gaaraya 550,000 Oo Danish Krone Ah…

0

Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee SAHAN oo xaruntiisa ay tahay magaalada Odense ee Dalka Denmark ayaa todobaadkii tagay waxa ay ku guuleysteen Abaalmarinta caanka ah ee Tina Bryld oo ahayd haweeneyda labaad ee ugu caansaneed dalka Denmark iyo abaalmarin dhaqaale oo gaaraysa Shan Boqol iyo Konton Kun (550,000 Danish kroner) ah taasoo u dhiganta ($ 81.236.60).

Ururkan SAHAN ayaa waxaa yagleelay haweenka Soomaaliyeed iyadoo oo ujeedkooda ahaa siday u horumarin amaba badbaadin lahaayeen caruurta, dhalinyarada iyo waliba qoysaska ku nool magaalada Odense ee gobolka Fyn ee dalka Denmark.

Abaalmarinta Tina Bryld ayaa ah mid loogu magac daray haweeney caan ka ahayd dalka Denmark taasoo ka soo shaqeyn jirtay arrimaha bulshada islamarkaana ka bixin jirtay taloooyin iyo waanaba idiaacad ugu weyn ee dalka Denmark DR-Radio, Talooyinka ay bixin jirtay ayaa waxay ahaayeen kuwo ku saabsan arrimaha dhalinyarada iyo qoysaska.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ururka Haweenka Soomaaliyeed ee SAHAN loogu sheegay sababaha ay ugu guuleeysteen abaalmarintan sanad laha ah iyadoo Qodobadii la sheegay ay kamid ahaayeen.

1- In ay yihiin Dumar iyaga is xilqaamay oo caawiya caruurtooda kuna nool xaafadaha ay ka dhacaan dhibaatooyin kala duwan sida isticmaalida muqaadaraadka iwm.

2- In ay yihiin Dumar si wacan ay uga dhaxeyso wada shaqayn hay’adaha dawlada Denmark.

3- In ay yihiin Dumar si geesnimo leh ugu wareega xaafadooda isla mar ahaantaasna la taliya caruurta iyo dhalinyarada.

4- In ay yihiin Dumar la sameeya wadahadalo maamulayaasha iskuulada ay dhigtaan caruurta si ay u korodho tayada waxbarashada ee caruurta.

5- In ay yihiin Dumar iskood uga qayb qaata waxbarashooyinka la xiriira qaybaha kala duwan ee arrimaha bulshada ee dalka Denmark.

Munaasabadan ururka SAHAN lagu gudoonsiiayay abaalmarinta Tina Bryld ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro iyo madax sare oo ka socday aqalka talada ee dalka Denmark, sidoo kale Wasiirada Arrimaha Bulshada Karen Ellemann, Pernile Skipper oo ah hoogaamiyaha xisbiga siyaasiga ee (Enhedslist).

Sidoo kale waxaa munaasabadan goobjoog ka ahaa Hay’adaha gacanta geystey sida ay u caawini lahaayeen ururka SAHAN sida Odense Kommune qaybihiisa kala ah qaybta dhalinyarada iyo caruurta ee Ungnord iyo qaybta ka hortagida danbiyada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano SSP-Odense iyo Shaqisyaadka sida gaarka ururka u caawiyay ururka SAHAN kuwaas oo kala ahaa Paul Hansen, Karina Andersen iyo Cabdirashid Xaji Abuukar,

Dhinaca kale Cabdirashid Xaji Abuukar oo la shaqeeya Odense Kommune ayaa waxaa ay Jaaliyada Soomaaliyeed isku raacday inuu yahay  shaqsi xili walba u taagan horumarinta dhan walba ah ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Odense ee dalka Denmark.

Isku soo wada duuboo waa markii ugu horeysay abid oo urur ay leeyihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark ay ku guuleeystaan abaalmarin noocaan oo kale ah iyo dhaqaale intaas le’eg, waxaana la oran karaa midan waa guul biloow wanaagsan ah oo usoo hoyatay dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark.

sahan1 sahan2

hud

sahan1

sah