DHAGEYSO:- Ciidan gurmad ah oo ka baxay Magaalada Baydhabo, kuna wajahan Goofgaduud

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaa goor dhaweyd ka baxay ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo gurmad ah, si ay u caawiyaan ciidamada kale ee ku sugan Duleedka Deegaanka Goofgaduud.

Deegaanka Goofgaduud Shabelow, waxaa maamulaya Ururka Al Shabaab oo saaka dagaal uga saaray ciidamadii Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa u sheegay Dhacdo.com ciidamo aad u xoogan oo gurmad ah inay ka baxeen Magaalada Baydhabo.

Qorshaha waxa uu yahay ciidankaasi inay dagaal kula wareegaan deegaanka Goofgaduud oo Shabaab ay ku sugan yihiin.

Al Shabaab waxa ay sheegtay 7 Askari oo ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ah in lagu dilay dagaalka xoogan ee ka dhacay Deegaanka Goofgaduud.

Majirto ilo madax Banaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya Khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, labada dhinacna soo kala gaaray.

Dadka Deegaanka Goofgadudu ayaa ku jira xaalad cabsi ah oo ku aadan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed inay soo qaadaan dagaal, islamarkaana shacabka dushooda uu Khasaare ka soo gaaro.

Hoos ka Dhageyso Wareysi Wariye arrimahaasi aan wax ka weydiinay iyo xaalka Guud ee deegaanka:-