DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo dib loogu saaray deegaanka Goofgaduud oo ay Saakay qabsadeen

0

Ciidamada Militariga Somaliya oo ay kaabayaan ciidan ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxay dib ula wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa saakay weerar ballaaran ku soo qaaday Deegaanka Goofgaduud, iyagoona kala wareegay ciidamadii horey ugu sugnaa.

Gurmad laga diray Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa wadada u galay Xoogaga Ururka Al Shabaab, xilli ay ku sii siqayeen Goofgaduud. Weerarkaasi jidgalka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed kama hor istaagin inay gaaraan Goofgaduud.

Labada ciidan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ka dhaqaaqeen Goofgaduud, waxaana hadda la soo sheegayaa in ay gaareen Deegaanka Manaas, oo 45km u jira Baydhabo.

Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqan-celinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in labada ciidan ay hawlgal amni xaqiijin ka wadaan Manaas.

Wasiirka ayaa dafiray in mintidiinta Al Shabaab ay saakay dagaal kula wareegeen Goofgaduud, balse dadka deegaanka waxay ku sheegayaan in dagaal-yahano badan oo ka tirsan Al Qaacidada Somaliya, ay muddo saacado ihi haysteen halkaasi.

Dhanka kale dhaawacyada toddobo ka mid ah Ciidamada Dowladda iyo Koonfur Galbeedka, ayaa waxaa la soo gaarsiiyay Isbitaalka Guud Baydhabo, si halkaasi wax looga qabto dhaawacyadooda.

Qoraal ay soo saartay Al Shabaab, ayay ku sheegtay in weerarkii Deegaanka Goofgaduud ay ku dishay toddobo ka mid ah ciidamadii horey ugu sugnaa Goofgaduud.

Xasan Eelaay, ayaa isagu ka gaabsaday khasaaraha dagaalkan ka soo gaaray labada ciidan, ha yeeshee waxaa uu Dhacdo.com u sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-