DHAGEYSO:- Afti loo qaadayo dastuurka cusub ee Dalka Ivory Coast

0

Dadka reer Ivory Coast ayaa maanta oo Axad ah waxa ay u dareerayaan sanaadiiqda codbixinta si ay u meel mariyaan ama u diidaan dastuurka qabyada ah ee dalkaasi.

Dowladdu waxa ay leedahay waxa uu dastuurkan ka hadlayaa arrinta haybta, taas oo sal u aheyd sanado badan oo deganaanshiyo la’aan ah.

Dastuurkan qabyada ah oo uu horay u ansixiyay Barlamaanka Qaranka ayaa meesha ka saaraya shardi muran badan uu ka yimid oo ah in musharaxa madaxtinimada dalkaasi ay qasab tahay in labadiisa waalidba ay u dhasheen Ivory Coast.

Waxaa sidoo kale dastuurkan ku jira jagada madaxweyne kuxigeenka, taasi oo mucaaradku ay ku eedaynayaan, Madaxweyne Alassane Ouattara, in uu u isticmaalayo sidii uu u magacaabi lahaa qofkii isaga badeli lahaa.

Hasayeeshee axsaabta mucaaradka ayaa ku baaqay in la qaadaco aftida loo qaadayo dastuurka qabyada ah, oo waxa ay leeyihiin dalku waxa uuba leeyahay mid ka mid ah dastuurrada ugu wanaagsan qaaradda Afrika.

Hoos ka Dhageyso Codka:-