WAR DEG DEG AH:-Isgaarsiintii gobolada Jubbooyinka oo hawada laga saaray

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa kusoo waramaya in Al-Shabaab ay hawada ka saareen Isgaarsiinta gobolada Jubbooyinka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Al-Shabaab ay hawada ka saareen isgaarsiinta gobolada Jubbooyinka oo dhan , waxaana ka mid ah meelaha ay ka maqan tahay Magaalada kismaayo oo xarun ah maamulka Jubbaland.

ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab  oo ku aadan in ay hawada ka saareen isgaarsiintii Gobolada Jubbooyinka.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay dhaqdhaqaaq ciidan   ka wadeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka.