WAR DEG DEG AH: Afduub ka bilowday Magaalada Gaalkacyo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada uu ka bilowday Afduub loo geysanaayo dadka kasoo kala jeeda Koonfur iyo Sidoo kale Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug oo maanta gudaha u galay  Suuqa weyn magaalada Gaalkacyo ayaa lagu waramaya in ay kala afduubteen labo qof oo ka mid ahaa shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo.

Qof ka mid ah dadka dadka kunool Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay ” Walaal saaka ayaa ciidamo ka tirsan labada maamul ay gudaha u soo galeen Suuqa, mid ka mid ah maamulada ayaa Afduubtay qof shacab ah  oo ku sugnaa Suuqa , dhinaca kale  ,iyaguna waxa ay soo afduubteen qof kale oo ka mid ahaa dadka deegaanka , labadaasi qof waxaa lagu kala hayaa saldhiga ku yaalla Koonfur Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale Saldhiga Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo”

Dhacdadaan ayaa ah mid argagax ku riday bulshada kunool Magaalada Gaalkacyo , madaam labada maamul ay bilaabeen Afduub loo geysanaayo dadka shacabka ah.