Gaadiidka AMISOM oo Dad ku jiiray Duleedka Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

0

Ugu yaraan 1 Ruux  ayaa ku dhintay ka dib markii Mooto Bajaaj ciidanka AMISOM ay ku jiireen Duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Labo qof kale ayaa lagu soo waramaya in ay ku dhaawacmeen Mootada ay jiireen ciidanka AMISOM.

Shilkaan ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Jaziira , waxaana la sheegaya in ciidanka degmada Wadajir ay goobta soo gaareen ayna gacanta ku dhigeen gaarigii AMISOM ee shilka geystay.

Inta badan Kolonyada Ciidamada AMISOM ayaa Dad shacab ah ku jiira Wadooyinka Magaalada Muqdisho.