Dagaal Culus oo Galabta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Dagaal muddo kooban socday ayaa galabta ka dhacay galbeed ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Goobaha rasaasta laga maqlay ayaa ah meelo u dhow Maxjarka Xoolaha ee dhowaan Puntland ay ka dhistay galbeedka magaalada Gaalkacyo oo maalmihii la soo dhaafay noqday aag dagaal.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in maanta gelinkii dambe uu ka qarxay qeybo ka mid ah magaalada gaar ahaan xaafada lagu magacaabo Garsoor, halkaas oo la sheegay in leysku adeegsaday hubka ugu culus ee labada dhinaca ay isticmaalayeen.

Warar ayaa sheegaya in Madaafiic ay tuureen Labada dhinac Galmudug iy Puntland ay ku dhaceen xaafado ku kala yaalla waqooyiga iyo koonfurta, waxaana xaafadaha qaar lagu soo waramayaa in yihiin kuwo inta badan laga barakacay oo ay cidla  ah.

Ciidamada kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku hardamayey goob ay ka socoto dhisme Maxjar oo uu wado Maamulka Puntland, waxaana dhismahaas kasoo horjeestay Galmudug.

Shalay ilaa saaka ayaa Jawiga Magaalada  waxa uu ahaa mid degan , inkastoo magaalada mararka Qaar  laga maqlaayay madaafiic ay ridaayeen ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo dejin lahaa xaalada Magaaladaasi, waxaana weli socota waan waan.