DAAWO SAWIRADA:- Xasan Sheekh oo muqdisha uga qeyb galay munaasabad lagu xusayo 93-sano guuradii ka soo wareegtay Aas aaskii Jamhuuriyadda Turkiga

0

Munaasabad ka dhacday xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ugu horeeyo madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheakh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte iyo Masuuliyiin kale.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay wakiilada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, waxaa lagu xusayaa 93-sano guuradii kasoo wareegtay Aas aaskii Jamhuuriyadda Turkiga.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa ka sheekeeyay Kaalinta Dowladda Turkiga ay ku leedahay Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida joogtada ah u taageera dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo dalka ka hirgaliyey mashaariic kale duwan oo ay qeyb ka yihiin waxbarashada caafimaadka iyo dib u dhiska dalka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

xasan1 xasan2 xasan3 xasan4 xasan5 xasan7 xasan8 xasan9 xasan10-1 xasan11 xasan12 xasan13