DAAWO:- Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Dilalka Qorsheysan Oo Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq.

0

Mudaharaad ay soo agaasimeen bahda waxbarashada oo lagu diidan yahay dilalka qorshaysan ee loogu gaysanayo dagmada dadka indhaha u ah bulshada ayaa lagu qabtay garoonka Kubadda cagta ee Roobda’ay ee Magaalada caabudwaaq, waxaa kala qayb galay Bahda waxbarashada banaanbaxa ay soo agaasimeen Waalidiin iyo ardada wax ka barata Iskuulada degmada iyo jaamacada Galgaduud.

Dadka dhigayay mudahaardka maanta oo u badnaa bahda waxbarashada ayaa ka caroodey dilkii ugu dambeeyay oo si gaara u saameeyay Bahda waxbarashada kaasi oo loogu gaystay Degmada 27-kii bishan Macalin Khadar Maxamuud Axmed oo kamid ahaa macaliniinta Iqra iskuul

Madaxa Arimaha Bulshada ee maamulka degmada Muuse Maxamed Axmed (Muuse Inji) oo ugu horeyn ka hadlay Banaanbaxa ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilka macalinka iyo dilalkii ka horeeyay.

 
Qaar kamid ah Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashada, Macalimiin, Waalidiin iyo Ardada ayaa dhankooda dhankooda si isku mid ah oga hadlay Banaanbaxa maanta iyaga oo muujiyey Dareenka uu ku reebay dilkii Macalin khaddar loogu geystay degmada khamiistii ina dhaaftay.

 
Ugu Dambayn madaxa Waxbarashada degmada Cabdinasir Cagaweyne oo ka qayb galay banaanbaxa maanta ayaa shegay in mudo sadex cishaa ay xirnaan doonaan gobaha waxbarashada si loogu baroordiiqo Macalin Cabdikhadar Maxamuud Axmed oo ka mid ahaa macalimiinta degmada.

HOOS KA DAAWO

Wariye C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq, Somalia