Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa Maanta sheegay in Goobaha lagu qabanayo Doorashooyinka gaar ahaan Caasimadaha Maamul Goboleedyada ay u direen Guddi Kor joogta ah oo la socon doona sida ay wax u dhacayaan.
Guddiga ayaa sheegay in Mid Saddex Xubnood ay u direen Goobaha ay ka dhaceyso Doorashooyinka islamarkaana ay la socon doonaan Qaabka Doorashada loo wado iyo Natiijada ka soo baxdo.
Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka dadban ayaa waxaa Magacaabay Madashada Hogaanka Qaran.