XOG RASMI AH:- Akhriso beelaha sida Xubnaha Aqalka Sare loogu qeybiyay Beelaha ku midoobay Maamulka HirShabeelle

0

Madaxda maamulka Hirshabeelle iyo madaxda dowladda Federaalka ayaa beelaha maamulka Hirshabeelle u qeybiyay xubnaha maamulka ka soo gaaray Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo ku dhowdhow madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegaya in horeba beelaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loogu qoondeeyay, iyadoo uu qoondadaasi sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh, balse shirar is daba joog ah oo Muqdisho ka dhacay la isla meel dhigay in xubnaha Aqalka sare loo qoondeeyo sida oo socota:-

Abgaal: 2 xubnood>

Xawaadle: 2  xubnood

Gaaljecel:  1 xubin
Gugudhabe:  1 xubin

Ujeejeen:      1 xubin

Saddex Cumar 1 xubin

Beesha Gaaljecel ayaa laga yaabaa inay u tasaasusho beel kale, halka Beesha Gugudhabe ay xubinta soo gaartay xaq u yeelan doonto Beesha Baadicadde.

Xubnaha loo soo magacaabayo aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa weli socota iyadoo magacyo kala duwan ay hawada soo galeen, laakiin weli ma jiro xubno la isku waafaqay oo aan ka ahayn Alxaaji Muuse Suudi Yalaxow