Badmaaxiin dhawaan la sii daayay oo sheegay in ay cuni jireen dooli ama Jiir

0

Badmaaxiin dhowaan ay sii daayeen koox burcad badeed ah oo afduub ugu haystay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay la kulmeen mudadii loo haystay afduubka.

Mid kamid ah badmaaxiintan Antonio Libref ayaa sheegay in sida loola dhaqamay ay ahayd sidii xayawaanka oo kale waxana uu sheegay in markii ay cunto waayeen ay dantu ku qasabtay inay cunaan dooli iyo shimbiro.

Badmaaxan oo ah 32 sano jir ayaa isaga iyo 25 kale oo badmaaxiin u kala dhashay dalalka Vietnam, Taiwan, Campodia, Indonisia iyo China ayaa burcad badeed ay afduubatay bishii March 2012 iyagoo ku sugan xeebo dhinaca Koofurta ka xiga dalka Seychelles.

Wakiilka burcad badeeda oo magaciisa lagu sheegay Bile Xuseen ayaa sheegay in ay ku sii daayeen badmaaxiintan kadib markii ay qaateen lacag gaareysa $1.5m (£1.2m).

Badmaaxiintan oo shaqaale ka ahaa markab laga leeyahay dalka Taiwan Naham 3 ayaa ahaa kuwii ugu mudada dheeraa ee afduub loo haysto dalka Soomaaliya marka laga reebo koox kale oo muddo shan sano ah afduub loo haystay.

Badmaaxiintan oo ka koobnaa 29 ayaa kabtankii markabkan la diley halka labo kale ay u dhinteen xanuun,halka ay qaar kamid ah badmaaxiintana sheegeen in ay burcad badeedu gelisay qaboojiyaashii markabka halkaasna ay ku dhinteen.

Sii deynta shaqaalahan oo uu gacan weyn ku lahaa Kornel howlgab John Steed oo British ah ayaa ugu tagay magaalada Gaalkacyo halkaa oo uu ka soo raacay iyagoo la geeyay magaalada Nairobi dalka Kenya.

Shaqaalahan ayaa xilligii la keenay magaalada Gaalkacyo waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Markabkii ay wateen ayaa bilaabay inuu quuso iyadoo burcad badeedu ay u soo wareejiyeen dhulka halkaa oo ay muddo hal sano iyo bar ah ay ku noolaayeen dhul miyi ah.

Librof ayaa sheegay in markii dhulka la keenay ay cuni jireen bariis,digir,bur marka ay hilib u baahdaana ay cuni jireen jiir ama dooli.