TOP DHAGEYSO WARBIXIN:- Shacabka ku Nool Magaalada Muqdisho oo si Caro iyo Xamaasad ku jirto kaga hadlay Dagaalada ka socda Gaalkacyo

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug wel waxaa ka taagan xiisad colaadeed, taas oo u dhaxeysa Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu galay mudo Saddex isbuuc ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay Dowladda Soomaaliya ku eedeeyeen in ay ka gaabisay joojinta Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Waxa ay sheegeen Dagaalka Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Dowladda Soomaaliya in ay ka leedahay dano gaar ah, maadaama ilaa iyo hada aysan ka qaban wax muuqda.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Gaas oo shalay Magaalada Boosaaso warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay Dowladda in ay ka dambeyso Dagaalka Gaalkacyo, oo ay ku dooneyso in markale ay dib u dhigto Doorashada Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO