TOP DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo Nasiib daro ku tilmaamay Hadal ka soo yeeray Galmudug, Yeyse yihiin Askarta Jubbaland lagu sheegay ee Gacanta lagu hayo

0

Maamulka Jubbaland ayaa ugu horeyn nasiib daro ku tilmaamay Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo, kaas oo u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo Dagaalka.

Korneel Ismaaciil Maxamed kheyre oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland oo la halday Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uusan shaqo ku laheyn Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo, kadib markii maanta Galmudug ay soo bandhigtay Ciidamo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Jubbaland, kuwaas oo garab siinayay Puntland.

Wuxuu sheegay Ciidanka Maamulka Galmudug ay soo bandhigeen in aysan ka tirsaneyn Maamulka Jubbaland, oo ay tahay been abuur sal iyo raad midn aan laheyn.

Korneel Ismaaciil Maxamed kheyre oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa ugu dambeyn sheegay in ay codsanayaan in caalamka loo soo bandhigo oo Magaalada Muqdisho la keeno Maxaabiista Galmudug ay soo bandhigtay, si marqaati cad loogu helo.

HALKAAN KA DHAGEYSO