TOOS U DHAGEYSO:- Ayaan Faarax Canshuur Oo Ah Musharaxad Aqalka Hoose Oo Ka Cabanaysa Musharax Mahad Maxamed Salaad

0

Ayaan Faarax Canshuur,waxaa ay ka mid tahay musharrixiinta xilka Baarlamaanka gaara ahaan aqalka hoos ee Soomaaliya,waxaa ay ka cabaneysaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo ay sheegeyso in uu ugu faa’uideysanayo awoodda dowladda uu ku leeyahay.

Ayaan,waxaa ay sheegeysaa in iyaga oo 4 Musharrax ah uu mahad u diiday in ay u tartamaan Kursiga islamarkaana uu doonayo in uu isaga ku soo laabto Kursiga ay iyaga oo 4 ah doonayaan in ay isaga kula tartamaan.

Guddiga doorashada ayey sheegtay in ay ku jiraan dad isaga u ololeynaya sidoo kalena uu Odayaasha matalaya uu duufsaday islamarkaana ay diideen in ay la socdaan halka ay mareyso Ergada dooraneysa Kursigaas in ay u codeeyaan.

HOOS KA DHAGEYSO