XOG RASMI AH:- Musharrax Sheekh Shariif oo Guul Muhiim Ah Ka gaaray Xasan Sheekh

0

Musharax madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa guul aad u muhiim ah wuxuu ka gaarey madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib galaangal badan oo uu sameeyay musharaxa.

Sheekh Shariif ayaa ku guuleystay inuu helo kalsoonida beesha Wacbuushan Abgaal iyo sidoo kale beesha Harti Abgaal, kadib markii kulamo is dabajoog ah ay la qaateen Sheekh Shariif.

Waxa uu sheikh Shariif u ballanqaaday beelahan in  haddii uu kusoo laabto talada dalka uu wax badan la wadaagi doono, islamarkaana mashaariic horumarineed ka fulin doono deegaannada ay degaan beelahan.

Waxgarad u hadlay Labadan beel waxay shaaca ka qaadeen in xildhibaannada dhankooda ka imaan doona ay codka siin doonaan Sheekh Shariif, islamarkaana cid aan isaga ahayn codka la siineyn.

Sheekh Shariif ayaa wada olole xooggan oo waliba qarsoon, wuxuuna raadinayaa taageero ka badan midka uu heesto Xasan Sheekh Maxamuud.