DHAGEYSO:- Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya oo Wariyaal u shaqeynaayay AlJaziira ku Xeray Muqdisho

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku Xeray Wariyaal u shaqeynaayay TV-ga AlJaziira qeybtiisa English-ka.

Wariyaasha la Xeray ayaa waxaa ku jira Xamza Maxamed iyo Sawir qaade la socday Xilli ay soo galaayeen Magaalada Muqdisho iyagoo ka imaaday duleedka Magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta loo xeray Wariyaasha.

Waxa uu sheegy in ay ku dadaalayaan sidii ay Dowladda ugula hadli lahaayeen Xariga Wariyaasha isla markaana ay rajeynayaan in Xuriyadooda ay dib u helaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-