XOG RASMI AH:- Musharax laga reebay Liiska Xubnaha Galmudug ee ku tartamaya Kuraasta Aqalka Sare

0

Musharax Xildhibaan Khaliif C/qaadir Macallim Nuur Siyaad oo ka mid ahaa  Liiska Musharixiinta ee Maamulka Galmudg ee ku tartami dooaa  Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ayaa lagu khasbay inuu isaga haro Tartankaasi.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed ka saaray Musharaxaasi Liiska xubnaha u sharxan Aqalka Sare (Senedka) ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in Xubinta uu ku tartami lahaa Musharaxaasi tahay Xubin ka mid ah Qoondada Haweenka Galmudug ka heleen Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Musharax Xildhibaan Khaliif C/qaadir Macallim Nuur Siyaad oo ka soo jeeda Jufadda C/raxmaan Saleebaan ee Beesha Wacaysle Abgaal waxaa Kursigaasi kula tartami lahayd Samsam Daahir Maxamuud.

Dhinaca kale, Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Wacaysle Abgaal waxay Maamulka Galmudug u gudbiyeen magaca Gabadha buuxin lahayd Musharxnimadda Kursiga Aqalka Sare ee laga saaray Xildhibaan Khaliif C/qaadir Macallim Nuur, taasi oo maanta qeyb ka ah Tartanka Musharixiinta Aqalka Sare ee maanta ka socda Hoolka Shirarka ee magaaladda Cadaado.