MAQAAL:- Ma Ahan Markii Ugu Horeysay Ee Cabdikariin Guuleed Dagaalo Qabiil U Isticmaalo Ciidamada Dowladda Federaalka.

0

ABDIKARIIN GUULEED DHAGAJUUN oo sheegtay in uu yahay madaxweyne GALMUGUD markii uu ahaa wasiirka amniga qaranka soomaaliyeed iyo walbi wasiirka arimaha gudaha waxuu xasuuuq ka geystay SHABLEELADA HOOSE ,waxuu ciidankiii xooga dalka soomaaliyeed ku xasuuqay dad masaakiin ah oo rayid ah waxuu soo qaataya shaar dowladeed waxuuna ku xasuuqay dad shacab ah, maanta uu sheegtay in uu yahay madaxweynah dowlada goboleedka GALMUGUD waxuu bilaabay waxii horay lagu yaqaanay.

Shalay CIIDANKII XOOGA DALKA SOOMAALIYEED loo dhaarshay in ay dhiigooda iyo naftooda u huraan shacabka soomaaliyeed ayuu waxuu u soo galshay shaati qabiil waxuuna xasuuuq ka geystay BALICAD IYO MIIRCOOWLEED, soo nasiib daro mahan maanta in ciidankii loo dhaarshay in ay dadkooda iyo dalkooda difaacaan dad masaakiin ah in ay xasuuqaan, soo nasiib daro mahan in maanta danbiile gacan ku dhiigle lagu taageero in uu yahay madaxweyne ,,ummada soomaaliyeed waxay u baahneyd in la soo dhayo boogahii iyo nabaradii masiibadii horay ugu dhacday ee looma baahneyn mufsad gacan ku dhiigle iyo waliba qaa,in qalbiga ka xanuunsan

Maanta waxaa loo baahnaa hogaamiye umaada waxii ku dhacay aan dib ugu soo celin,, maanta waxaa loo baahnaa hogaamiye agoomaha iyo maatada iyo masaakiinta aruursha, laakiin looma baahneyn qaatil gacan ku dhiigle waxuu ka naxno aysan jirin, waxaase taas ka sii daran hadii VILLA soomaaliya oo ah meesha umadda looga taliyo in laga taageero qaatilkaas oo kale gacan ku dhiiglahaas oo kale in MADAXWEYNE HASSAN SHEEKH MOHAMUD uu dhaho waxaad darajo ku heleysaa dhiiga masaakiinta iyo umadda soomaaliyeed iyo in aad maatada xasuuqtid taasi waa mid laga xishoodo.

Gabagabadi waxaan lee yahay ummaddu waa ka soo daashay danbiile dagaal ama dagaal ooge noocaan oo kale ah.