Daawo Hormarka ka socda Wado Muqdisho ku taala

0

Muddooyinki ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka socday dib u dhis iyo nadaafad xoog leh oo sare loogu qaadayo bilicda iyo nadaafada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale magaalada Muqdisho waxey ka soo kabaneysaa burburkii ka soo gaaray dagaalladii dalka soo maray, iyadoo lagu guuleeystay in dib u dhis balaaran lagu sameeyo waddooyinka halboowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho.

Waddada wadnaha ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee maamulka gobolka Banaadir uu dayactir xooggan ku sameeyay,  waxaana sidoo kale waddadaasi ka muuqanaya dib u dhis balaaran oo lagu sameeynayo dhismihii ku yaala hareeraha waddadaasi, kuwaasoo ay ku jiraan Kaalimo shidaal oo casri ah.

1 3 4 5 6 7 8 9