Xiisad u dhaxeysa Ciidanka Galmudug iyo Koox Hubeysan oo ka taagan deegaanka Godinlabe

0

Wararka Saakay laga helayo Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay ka jirto Xiisad Dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug iyo Maleeshiyo Isbaaro dhigtay Degaankaas.

Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug iyo Maleeshiyada Jidgooyada dhigtay ayaa la sheegay in ay Magaalada isku hor fadhiyaan,waxaana laga Cabsi qabaa Dagaal halkaas ka dhaca.

Deegaanka Godinlabe oo Galmudug ay Maamusho ayaa waxaa ku soo laab laabtay Jidgooyo Sharci daro ah oo ay halkaas dhigtaan Maleeshiyo Degaanka ah.