Shiico lagu laayay Dalka Afganistaan iyo Muran ka dhashay

0

Ugu yaraan 14 ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 30 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki dabley ku labisneyd dareyska ciidamada Afghanstan ay Talaadadi shalay weerareen macbad ay dad badan oo Shiica ah ku cibaadeysaneyeen gudaha magaalada Kabul.

Goobjoogayaal iyo saraakiil ka tirsan Dowlada ayaa sheegay in qof naftiis dile ah uu isku qarxiyey goobta ka hor inta aysan kooxaha hubeysan gudaha u galin macbadka xaafada Khariidatu Sakhi ee magaalada caasimada ah ee Kabul.

Ciidamada ayaa toogtay laba ka mid ah kooxihi weerarka soo qaaday oo goobta heystay ku dhawaad hal saac.

Talaadadi shalay ayaa ku beegneyd sagaalka bisha Muxarram ee sanadka Hijrada Islaamka.

Dadka heysta madhabta Shiicada ee Islaamka ayaa 9-ka iyo 10-ka bisha Muxarram sameeya isu soo baxyo waaweyn oo ay ku xusaan dilka Imam Xuseyn oo ahaa mid ka mid ah wiilashii uu awoowga u ahaa Nabi Muxamed (Naxariis iyo nabadgalyo kor kiisa ha ahaatee).