Dowladda Mareykanka oo War ka soo saartay dagaalada ka socda Magaalada Gaalkacyo, Fariina u dirtay Madaxda Puntland iyo Galmudug

0

Iyadoo Magaalada Gaalkacyo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Maamulada Galmudug & Puntland, ayaa waxaa ka hadlay Mareykanka, waxaana uu labada maamul ugu yeeray in ay wada hadal ku xaliyan khilaafkooda.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Somaliya, Amb. Stephen M. Schwartz, ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay la socoto iska horimaadyada ka dhacaya Magaalada Gaalkacyo, oo sababaya khasaro dhimasho iyo dhaawacba leh, sida uu yiri.

Safiirka, ayaa labada maamulba ugu yeeray in ay yeeshaan wada hadal looga gudbayo xiisadda colaadeed, ee ku soo korortay Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo.

Safiirka oo dareensan in xiisadan ay ka dhalatay weerarkii dhinaca cirka ahaa, ee 28-kii bishii September ay diyaaradaha Mareykanka ka gaysteen Deegaanka Jeexdin ee duleedka Gaalkacyo, ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, ay bilowday baaritaan ku aadan cidda duqayntaasi lala eegtay, iyadoona uu xusay in Mareykanku uu si xoogan u qaadanayo eedeymaha kaga yimid Galmudug, ee ah in ciidankeeda uu duqeeyay.

Bayaan uu Talaadadii soo saaray, ayuu ku sheegay in Pentagon-ka Mareykanka uu qiimaynayo cadaymaha rasmiga ah, ee ku saabsan cidda la duqeeyay.

Stephen M. Schwartz, ayaa waxaa uu iftiimiyay in Mareykanku uu doonayo in uu horumariyo, isla-markaana uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay Ciidamada Galmudug & Puntland, si loo ballaariyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Schwartz, ayaa Puntland & Galmudug ugu yeeray in looga fadhiyo joojinta xiisadda Gaalkacyo, khilaaf kasta oo u dhaxeeyana ay ka wada hadlaan, si loo gaaro buu yiri xaalad nabadeed iyo dib u heshiisiin.