DHAGEYSO:- War Cusub oo laga soo sheegayo Jowhar iyo Baarlamaanka HirShabeelle oo..

0

Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in ay dhageystaan Khudbadaha Musharaxiinta u taagan in ay noqdaan gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Sida ay horay u shaacisay Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya qorshuhu waxa uu ahaa in gudoomiyaha Baarlamaanka la doorto Maanta , lakiin maanta waxaa la dhagesan doonaa Khudbadaha ay jeedinayaan dadka doonaya in  ay u tartamaan Gudoomiyaha baarlamaanka.

Dhowr Musharax ayaa u taagan Qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Arimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in berri la dooran doono gudoomiyaha baarlamaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-