DHAGEYSO:- Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cali “ Al-Shabaab Waxa ay Xir Xireen Haween Fara badan, qaarkoodna wey wateen”..

0

Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan Abiikar Yaroow Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xer xereen Haween fara badan iyo Caruur markii ay gudaha usoo galeen deegaankaasi.

Waxa uu sheegay in qaarkood ay wateen Haweenkaasi oo aan la ogeyn ilaa hada meesha ay geeyeen.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay barakaceen dadkii daganaa deegaankaasi intooda badan maadaama Al-Shabaab ay gudaha usoo galeen deegaanka.

Ciidammada dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa AMISOM iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Shalay iskaga baxay deegaanka waxaana la wareegay Al-Shabaab..

Deegaanka Ceelcali ayaa ah deegaan muhiim ah waxaana uu magaalada Baledweyne u jiraa 75 km dhanka Galbeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-