DHAGEYSO:- Guddiga doorashooyinka oo fariin adag u diray Odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah

0

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya heer Federaal ayaa sheegay in hogaamiyaasha Odayaasha dhaqanka loogu baahan yahay in ay si deg deg ah ku soo gudbiyaan Liiska ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Cusub.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale ugu baaqay Odayaasha dhaqanka ay soo dhameystiraan Liiska Ergooyinka ay horay usoo gudbiyeen.

Nafiso Geedi oo ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya heer Federaal ayaa sheegtay in waqtiga uu yar yahay isla markaana loo baahan yahay in si deg deg ah lagu soo gudbiyo laguna soo dhameystiro ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka.

 

 

 

Hoos ka Dhageyso Codka:-