DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Ganacsato iyo Nabaddoono ku Gowracay deegaanka Ceel Cali

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceel Cali Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay halkaas ku Gowraceen illaa Shan Qof oo isugu jira Ganacsato iyo iyo Nabaddoono.

Ganacsatada Al-shabaab la sheegay in ay ku Gowracen Deegaanka Ceel Cali ayaa la sheegay in lagu kala Magacaabo Maxamed Birqaad,Maxamed Cismaan Aadan iyo Aadan Maxamuud Cabdi.

Sidoo kale waxaa ka mid ah Dadka halkaa la sheegay in Al-shabaab ay ku Gowraceen Labo Nabaddoon oo si weyn looga yaqaanno Degaanka Ceel-cali.

Shanta Ruux ee Shabaabku dileen ayey ku Eedeyeen in ay Macaamil la lahaayeen Ciidamadii Itoobiya ee Shalay ka baxay Degaankaas.

Mid kamid ah Odayaasha Degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ka badan 2 Kun ay Magaalada soo galeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-