Booliiska Dalka Kenya oo Xeray Muwaadin u dhashay Dalka UK iyo Sababta oo la ogaaday

0

Booliska dalka Kenya ayaa xiray qof haysta dhalashada dalka Ingiriirska iyo Labo qof oo haween Somali ah waxaana dadkaasi la xiray looga shakisan yahay inay tababarro siiyaan Al-shabaab islamarkaana u qoraan dagaalyahanada kooxda.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay xarigga dadkan isagoo intaas ku daray in hawlgal xooggan oo la fuliyey lagu soo qabtay dadkaan la tuhunsan yahay iyadoo muwaadinka Ingiriiska ah magaciisa lagu sheegay Tom.

Booliska Kenya ayaa sheegay in goobtii laga soo qobtay Saddexdan qof laga heley waxyaabo ay ka mid yihiin qalabka lagu tababarto, buugaag, jaakadaha aan xabaddu karin iyo Laptop-yo waxayna intaas ku dareen in arrintani ay keentay tuhunka.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa dhankiisa sheegay in muwaadinkan u dhashay dalka Ingiriiska uu ku noolaa dalka Kenya Saddexdii sano ee ugu dambeysay isagoo intaas sii raaciyey inuu marar badan safar ku tagey dalka Somaliya.

Agaasimaha waaxda dambi barista  dalka Kenya chief Ndegwa Muhoro kaasoo booqday guriga dadkaan laga soo qabtay ayaa ka gaabsaday inuu faah-faahin dheeri ah bixiyo laakiin wuxuu ballan qaaday inuu si fiican u faah-faahin doono arrintan.

Dalka Kenya ayaa ku jira feejignaan dheeri ah marka la fiiriyo wararka la xiriira sirdoonka waxaana muuqata in weli dalkaasi uu beylah u yahay weerarada argagixisanimo.