Arrin la yaab leh oo ka dhacday gudaha Diyaaradda Shirkadda Emirates Airlines Xilli ay Hawada ku Jirtay

0

Qareen u dhashay Talyaaniga oo lagu magacaabo Giorgio Destro ayaa sheegay inuu dacwad ku oogayo Shirkadaha Diyaaradaha ee Emirates Airlines, kadib, markii uu dhibaato kala kulmay Nin buuran oo ay isku kursi ah oo isla soo racaay Duullimaad qaatay muddo 9-saacadood.

Qareenka oo deggan magaalladda Padua ee Waqooyiga Talyaaniga ayaa sheegay inuu dhibaato iyo caburnaan kala kulmay nin ka mid ahaa Rakaabka oo aad u buurnaa, kaasi oo ay isla raaceen Duullimaad ka yimid magaalladda Cape Town ee dalka Koonfurta Afrika, kuna soo jeeday magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Giorgio Destro oo Wareysi siiyey Wargeyska Mattino Padovare ayaa sheegay inuu Duullimaadkaasi oo dhacay bishii July ee sannadkan uu ku dhamaystay ciriiri, maadaama ninka Rakaabka ee buurnaa uu deeqi waayey Kursiga, kuna soo sal-ballaartay.

Qareen Destro oo u shaqeeya Qunsuliyadda Talyaaniga ee dalka Koonfurta Afrika waxa uu macaamil muddo dheer  iyo xubin Dahabi ‘gold member’ u ah Shirkadda Emirates Airlines ayaa sheegay inuu 9-ka saac ee Duullimaadkaasi ku qaatay mar uu taagnaado iyo inuu mar uu fariisto Kursi ku yaalla Kabiinka laga kaxeeyo Diyaaradda.

Waxa uu Sawirkiisa uu galay inta uu ku safrayey Diyaaradda ayaa waxa uu la wadaagay Macaamiisha Baraha Isku-xirka Bulshadda.

Qareenka waxa uu sheegay inay Shirkadda Emirates Airlines diideen codsigiisa ku aadan inay raalli-gelin ama magdhow ka siiyaan dhibaatadda Safarkiisa.

Giorgio Destro waxa uu sheegay inuu Shirkadda Emirates ka codsanayo magdhow dhan €2759.51, in loo soo celiyo €759.51 oo ah Tikidhka Duullimaadka uusan awoodin inuu ku istariixo iyo €2,000  oo ah Khasaarihii isaga soo gaaray.