Al-Shabaab oo nin dhalinyaro ah ku toogtay Gobolka Galgaduud

0

Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaala Deegaanka Ceelwaaqle ee Gobolka Galgaduud, waxa ay ku toogteen nin dhalinyaro ahaa oo ay ku eedeeyeen inuu geystay fal dil ah.

Maxkamada Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa la soo taagay Cabdi Shakuur Warsame Geedi, oo ah ninka eedeysanaha ah ee lagu eedeeyay inuu dilka geystay.

Cabdi Shakuur Cali Siyaad ayaa lagu eedeeyay inuu toogtay nin lagu magacaabi jiray Tahliil Cabdi Warsame Geedi, kaasi oo uu ku dilay deegaanka Ceelwaaqle.

Sida uu sheegay qaadiga Maxkamada Gobolka Galgaduud ee Shabaab, cadeymo la horkeenay maxkamada horteeda iyo Qiraal uu muujiyay ruuxa dilka geystay kadib ayaa Ehelada Marxuumka la dilay waxa ay dalbadeen in loo qisaaso.

Qaadiga Maxkamada Shabaabka ee Gobolka Galgaduud, ayaa ku dhawaaqay xukunka Qisaasta ah ee lagu fuliyay ruuxaasi, waxaana durba rasaas ku boobay ninkii ciidamada Shabaabka.

Ehelada Marxuumka horay loo dilay ayaa soo dhaweeyay falka Qisaasta ah ee Shabaabka ay ku fuliyeen ruuxaasi gacan ku dhiiglaha ahaa.

Al Shabaab ayaa inta badan ku toogta Gobolada ay maamulaan dadka geysta falalka dilka ah, inkastoo dadkaasi aaney helin Qareeno Difaaca.