14 qof oo ku dhintay Weerar ka dhacay Magaalada Kabul iyo dhaawacyo hor leh oo la geynayo Isbitaalada

0

Weerar lagu qaaday meel ay ku cibaadeystaan muslimiinta shiicada ah oo ku taalla caasimada Afghanistan ee Kabul ayaa inta la’ ogyahay waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, iyadoo in ka badan intaasina la gaarsiiyay isbitaallada si loo daweeyo.

Goobtaasi lagu cibadeeysto ayaa ahayd meel dadku ay iskugu yimaadaan si ay u xusaan Cashuura oo ah maalin aad qaali ugu ah taarikhda Shiicada, iyo islaamkaba.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa ka hor uu nin rasaas furay. Qaar ka mid ah ururrada Sunniyiinta sida Taliban ayaa aaminsan in Shiicada ay yihiin kuwo baadiyoobay, ayna tahay in la bartilmaameedsado goobaha ay iskugu yimadaan iyo masjidyadooda.