WAR DEG DEG:- Al-Shabaab oo la wareegay Deegaan ay iskaga baxeen Itoobiya

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay la wareegeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab,kadib markii Degaankaas ay Faarujiyeen Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa Milatariga Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa Degaanka Ceel-Cali ka taagay Calanka Madow Ee Lagu yaqaanno sida ay noo sheegeen Goobjoogeyaal.

Sidoo kale Dadka Magaalada Gaar ahaan Ganacsatada Wax ka iibin jiray Ciidamadii Magaalada Degenaa ayaa waxaa soo Food saaray Walwal ah in Shabaabku beegsado.