TOOS U DHAGEYSO:- Cabdi Cali Fareey "Darawal "Cabdikariin Guuleed Galmudug Baa La Leedihiin Baa Nala Leeyahay, Waxaan La Leenahay Majiraan, Kamana Yeelayno Waxa Uu Wado".

0

Xilli Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ay ka dhacayeen Shirar udhaxeeya Waxgarad matala Shacabka kunool Deegaanada Waqooyiga Galgaduud iyo Hogaanka Maamuka Galmudug isla
Markaana Kulamadaasi ay kusoo dhamaadeen is faham waa ayaa waxay arintaasi noqotay Hadal Haynta ugu Badan ee kajirta Degmada Caabudwaaq.

Siyaasyiinta kasoo jeeda Deegaanada Waqooyiga Galgaduud ayaa waxay Galmudug ku eedeenayaan in ay jebisay Heshiisyo Horay loola Galay.

Cabdi Cali Fareey “Darawal” oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Degmada Caabudwaaq, sidoo kale ah Mudane katirsan Baarlamaanka Galgaduud Sare oo kajira Waqooyiga Galgaduud ayaa u waramay Allgalgaduud wuxuuna sheegay in loo baahan yahay Shacabka iyo Waxgaradka in ay qaataan Mowqif midaysan si ay kaga Maarmaan Maamulka Galmudug.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Somalia