Kenya oo looga digay inay khasab ku celiso qaxootiga

0

Hay’ad safka hore kaga jirta daryeelka qaxootiga, Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sheegtay in sida khasabka ah ee Kenya ugu celinayso Soomaaliya dadka degan xerada qaxootiga ee ugu wayn dunida, ay tahay arrin xad gudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Maamulka Kenya ayaa amar ku bixiyay in la xidho xerada Dhadhaab oo in ka badan 280,000 oo qaxooti Soomaali ahi ku noolyihiin.

Xog-hayaha guud ee hay’ada NRC, Jan Egeland, ayaa ku baaqay in mudada kama dambaysta ah ee dadkaa loo qabtay laga noqdo maadaama ay keenayso “dib u noqosho habqan iyo fawdo ah”.

Waxaanu intaa ku daray “sida ka muuqata xaaladda aanu ku soo aragnay meesha, arrintu ma aha mid ikhtiyaarka dadka ku xidhan oo ay ku niyad sanyihiin oo ku badbaadayaan”

NRC waxay sheegtay in qaxootiga ku noqonaya Soomaaliya aanay helin ilaalo ku filan. Bishii Ogost ayaa 74% Soomaalida qaxootiga ah ee Dhadhaab ku jiraa sheegeen in aanay doonayn inay noqdaan, sababta ugu wayn ee ay sheegeena ahayd nabad gelyo darrada ka jirta Soomaaliya.

Neil Turner, oo ah madaxa xafiiska NRC ee Kenya ayaa sheegay in loo baahanyahay in haabka dib u celintu noqdo mid aan dadka loogu rarayn xeryaha barakacayaasha ee dalka gudihiisa ku yaal, iyo in qaxooti aan la diiwaan gelini ku soo noqdaan Kenya.

“Tirada Soomaalida jilicsan ee loo qorsheeyay inay noqdaa aad bay uga fara badanyihiin waxyaabaha adeegga ah ee loogu diyaariyay Soomaaliya gudaheeda” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xerada Dhadhaab waxa la furay sannadkii 1991 si ay hoy ugu noqoto qoysaskii ka soo qaxayay colaada Soomaaliya, dadka qaarkoodna ilaa maalintaa sidii bay ugu noolaayeen muddo ka badan 20 sanadood.