Xildhibaanada Cusub Maamulka HIRSHABEELLE oo lagu wado in maanta la dhaariyo

0

Waxaa ka soconaya magaalada Jowhar diyaargarowgii ugu dambeeyay ee xaflada dhaarinta xildhibaanada baarlamaanka maamulka cusub ee HIRSHABEELLE.

Hoolka weyn ee shirka maamulka uu ka socdo ayaa waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay iyadoo la filayo in xaflada dhaarinta uu ka soo qeybgalo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Inkastoo xildhibaanada baarlamaanka la isugu yeeray hoolka shirarka ayaa hase ahaatee waxaa weli ku sugan hoolka shirarka iyo guryihii ay degi lahaayeen xildhibaanada ergadii ka qeybgashay shirka oo diidan inay ka baxaan iyagoo dalbanaya qarashaadkii ku baxay muddo sagaal bilood ahoo ay ku sugnaayeen magaalada Jowhar.

Si kasta ha  ahaatee waxaa la rajeynayaa in saacadaha socda la dhaariyo xildhibaanada baarlamaanka Maamulka HIRSHABEELLE.