Xaalada magaalada Gaalkacyo oo Saakay degan

0

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka degan , halkaasi oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka jirtay xaalad adag oo dhan amniga ah.

Shalay Magaalada waxaa kusoo dhacaayay Rasaas goos goos oo isweydaarsanaayeen ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamo aad u farabadan ayaa la soo dhoobay Waqooyiga iyo sidoo kale Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Puntland iyo Galmudug ay xalay Gaalkacyo Keeneyn ciidamo dheeraad ah , waxaana ciidankaasi ay saakay gaaf wareegayaan xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyeyaasha Magaalada Gaalkacyo Xirsi yuusuf Barre iyo Maxamuud Yasiin Axmed Tumay ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu doonaayo in uusan markale dagaal ka dhacin Magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka iyo sidoo kale Culimada  ayaa lagu wado in ay maanta kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo , kasoo looga hadlaayo xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug.