Waxgaradka Puntland iyo Galmudug oo qodobo ka soo saaray dagaalka Gaalkacyo..

0

Ka dib kulan maanta ay magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Odayaash iyo Waxgaradka maamulka Puntland iyo Galmudug ayaa waxay ka soo saareen Qodobo la isleeyahy xal wey u noqon karaan dhiiga ku daadanaya magaalada Gaalkacyo.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo saaray waxaa ka mid ah in dhinacyada is haya xabada joojiyaan,islamarkaana wax waliba miiska wada hadalka ku xaliyaan.

Sidoo kale,Waxgaradka Puntland iyo Galmudug  ayaa isku raacay in la joojiyo dirirta colaadeed, islamarkaana labada dhinac in ay joojiyaan xabadahaha goos goos ah  ee  ay isku ridaayaan labada dhinac.

Maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug ayay ka codsadeen in ay joojiyaan dagaalka oo ay qaadaan waan waanta ay wadaan waxgaradka gobolka Mudug.